Published On: Mon, Jun 20th, 2016

Dowladda Imaaraatka oo Raashin loogu talagalay Barakacayaasha ku wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

imaaradkaDowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta deeq Raashin ah oo laagu talagalay Dadka Barakacayaasha ah ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir.

Safiirka Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Muqdisho ayaa deeqdan ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Safiirka oo si kooban uga hadlay Madasha ay deeqda kula wareejiyeen Maamulka Gobolka ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Imaaraatka ay markasta garabtaagan tahay Shacabka Soomaaliyeed,waxaana uu si gaar ah u sheegay in deeqdan ay ugu talagaleen Dadka Barakacaayaasha Soomaalida ah eek u nool Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Bnaadir Yuusuf Xuseen Jimacaale ayaa isna kaga mahad celiyay Safiirka Imaaraadka deeqda uu ku wareejiyaym,waxaana uu sheegay in Imaaraatka ay mar kasta garab taagan nyihiin Shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana dhinacyada Amaanka,Dhaqaalaha,Gargaarka iyo Dhismaha Ciidankaba ka taageeraan Dowladda Soomaaliyeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300