Published On: Mon, Jun 20th, 2016

Ciidanka gaarka ah ee Somaliland oo 3 Ruux ka xiray Hargeysa

RRU4444444444442
Ciidamada Booliska Ee RRU-du Oo Magaalada Hargeisa Ku Qab Qabtay Dad Looga Shaki Sanyihiin Inay Ka Tirsan Yihiin Al, ShabaabCiidamada Booliska Ee RRU-du Oo Magaalada Hargeisa Ku Qab Qabtay Dad Looga Shaki Sanyihiin Inay Ka Tirsan Yihiin Al, Shabaab Hawl-gal Ciidammada sida gaarka ah u Tababbaran ee loo yaqaanno RRU-du ka sameeyeen Xaafadda Boqol iyo Kontonka ee Magaalada Hargeysa ayay ku soo qabteen Saddex Qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Dalka Soomaaliya. Ma Jiro War Rasmiya oo ka soo baxay Ciidammada Ammaanka oo la xidhiidha Hawl-galka Ciidanku ka sameeyeen Xaafadda Boqol iyo Kontonka ee Hargeysa, laakiin Ilo-wareedyo ayaa Batalaalenews u sheegay in Hawl-gal Ciidammada RRU-du Duhurnimadii Jimcihii Doraad sameeyeen halkaasi ku soo qabteen Saddex Ruux oo midkood Haweenay tahay, kuwaasi oo la sheegay in looga shakisan yahay Argagixisonimo.

Warka ayaa intaa ku daraya, in RRU-da oo raacaya Sahan Ciidammada Sirdoonku sameeyeen ay u daateen laba Guri oo midkood yahay Jiingad, isla-markaana ay ka soo qabteen Saddexda Qof ee laga shakisan yahay.

Batalaalenews uma suurto-gelin inuu Helo Masuuliyiinta Hay’adaha Ammaanka Somaliland oo wax laga waydiin lahaa Hawl-galkan Dadka lagu qab-qabtay, laakiin qaar ka mid ah Dadka Deggen Xaafadda ay ku yaalaan Guryaha laga soo qabtay Saddexda Ruux, ayaa sheegay in Ciidanka RRU-du guryaha ay Dadkan ka qabteen ka heleen Hub nooca fudud ah.

Dhanka kale, intii Hawl-galkani socday, waxa aad loo adkeeyay Ammaanka Xaafadda ay ku yaallaan laba Guri ee Saddexda Qof laga qabtay, iyadoo Ciidan badan la dhigay Guryaha kale ee Xaafaddaasi hortooda.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300