Published On: Sun, Jun 19th, 2016

Xildhibaan Xoosh “Guddiga Doorashada sharci kuma saleysno, dhamaantoodna waa saaxiibada Madaxweynaha”

xoosh
Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa si adag u dhaliilay Guddiga Doorashada ee Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay.Guddigan ayaa intooda badan waxa ay yihiin xubno Wasiiro ka ah Dowladda dhexe, waxaana Xildhibaan Xoosh uu sheegay inaysan sharci aheyn magacaabistooda oo Dastuurka dalka u yaal la hareermaray.

“Aniga waxay ila tahay guddigaan la soo saaray oo loo bixiyay guddiga fulinta ee guddiga doorashada ee heer federaal, waxay ila tahay iney yihiin wax aan sharci ku saleysneyn, iney tahay wax dastuurka aan waafaqsaneyn, ayna tahay wax fashilin doona iney dhacdo doorasho xaq ah, daahfuran, is afgarad ah, la iskuna halleyn karo oo la dhihi karo wax lagu wada heshiiyay ayaa soo baxay.” Ayuu yiri Xildhibaan Xoosh oo la hadlay Idaacada Goobjoog.

C/raxmaan Xoosh Jabriil, ayaa wuxuu tilmaamay Guddigaan inay u badan yihiin dad saaxiibo la ah Madaxweynaha oo dano gaar ah laga leeyahay sida uu yiri.

“Madaxweynuhu waxa uu soo magacaabay guddi waasiirro, saaxiibbo iyo kuwo ka shaqeeya xafiiska Madaxweynaha, kuligood saaxiibadii ah kuligood uu dano ka leeyahay, waxaas oo kale lama yiraahdo doorasho xor ah ayaa la gaarayaa.”

“Doorashadan hadda la galayo waa doorashadii ugu muhiimsaneyd ee Somaliya soo marta waaye, maxaa yeelay intaas ayaan soo gurguuraneynay, dhibaataan soo marnay, dagaallo qabiil, markii la rabay in waxaas oo dhan laga baxo waxay ahayd 2012, xukuumaddan hadda joogta waxaa la siiyay 4-sano iney soo diyaariso in waddanka la gaarsiiyo hal qof hal cod, waa ku fashilantay taas, waxaa ceeb noqotay maanta la yiraahdo haddaan ka wadahadleynaa sidii loo sameyn lahaa doorasho, macneheedu waa fashilanay, beesha caalamkuna waa la fashilantay”.

Waxa uu dib u xasuustay sanadkii 2012 iyo inaan guddigii xulitaanka baarlamaanka lagu darin gole fulin.

Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha uu magacaabay ayaa waxa ay la kulmayaan dhaliilo kala duwan oo ku aadan in magacaabista Guddigaasi aysan aheyn wax sharci ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300