Published On: Sun, Jun 19th, 2016

Wararkii ugu dambeeyay al Shabaab oo dagaal ku qaaday deegaanka Hosingow

kooxda-al-shabaabCiidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay weerar ku ekeeyay deegaanka Hosingow oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose, halkaasi oo fariisimo Millateri ku leeyihiin ciidamada Kenya.

Dagaalkaan ayeey ciidamada Shabaabka xalay saqdii dhexe ku qaadeen deegaanka Hosingow, waxaana iska caabin kala hor yimid ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland.

Al Shabaab ayaa si gaar ah dagaalkooda waxa ay ugu beegsadeen Saldhiga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka, iyadoo dagaalka uu socday ku dhawaad saacad.

Daryanka rasaasta culus oo ciidamada Kenya ay ridayeen ayaa si aad ah looga maqlaayay deegaanka Hosingow oo Bulshada ku nool ay sheegeen in walaac badan uu soo food saaray xalay.

Qorshaha Shabaabka ayaa la sheegay inuu u suurageli waayay oo iska caabin adag ay kala kulmaan, taasi ay u suuragelin weyday inay hormar ka gaaraan dagaalka.

Lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaan ka dhashay oo labada dhinac soo kala gaaray.

Xaalada deegaanka Hosingow ayaa maanta degan, iyadoo ciidamada Kenya howlgalo ay ka sameeyeen duleedka Deegaankaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300