Published On: Sun, Jun 19th, 2016

Tarsan oo digniin u jeediyay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Somaliyed

timthumb-40

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa digniin u jeediyay Odayaasha Beelaha Somaliyed, xilli dhawaan la guda geli rabo arimaha ku aadan Doorashooyinka la filaayo inay dalka ka dhacaan.

Tarsan waxa uu Odayaasha Dhaqanka uga digay inaan beelahooda laga soo dhex xulan, shaqsiyaad magac u yeel ah, balse danta shaqsi kale ka shaqeynaayo.

Waxa uu sheegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir inay muhiim tahay beelaha Somaliyed shaqsiyaadka ay u xulanayaan arimaha Siyaasada inay noqdaan dad laga fekeray.

Maxamuud Axmed Nuur ayaa ku eedeeyay Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud wax qabad la’aan afartii sano ee la soo dhaafay.

“Waxaa faah faahin yar u baahan wadankani xaaladda uu marayo iyo meesha uu ka yimid, waxaana muuqata xukuumadda hadda jirta ama dowladda hadda jirta Afartii Sano ee xukunka haysay in aysan wax yar adeeg ah bulshada u qaban, balse ay ku mashquulsaneyd oo waqtigii ku lumisay sidii ay kusoo noqon lahayd Afar Sano oo kale, arrintaasi waxay abuureysaa qatar, bulshada Soomaaliyeed oo illowday dhaawacyadii kasoo gaaray dagaalkii sokeeye ayeey dib u xusuusineysaa waxayna abuureysaa dagaal cusub oo bulshada dhexmara, balse bulshada iska daayee waxay abuureysaa qabiillada hoose iyo jufooyinka hoose marka la isku dayo in laga soo xusho xildhibaanka iyaga ay rabaan in jufadii qudheeda ay dagaal ka dhex dhasho oo Labo ilmo adeero ah is disho ayaa imaanaysa” ayuu yiri Tarsan.

Hadalka Tarsan ayaa imaanaya xilli la filayo in sanadkan dhammaadkiisa ay dalka ka qabsoonto doorashada dadbadan maadaama dalka ay ka dhici weysay doorasho qof iyo cod ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300