Published On: Sun, Jun 19th, 2016

Faah Faahin: Al Shabaab iyo AMISOM oo Madaafiic isku weedaarsaday Shabeelaha Hoose

C

Kaidb markii Al Shabaab tiro Madaafiic ah la beegsadeen Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin  Deegaanka Buufow Bacaad  ayaa dhankooda Ciidamada AMISOM waxaa  lagu soo warramayaa in xalay duqeymo Madaafiic ah in ay ka geysteen deegaanka Buufow Bacaad ee Gobolka Shabeelaha Hoose kuwaas oo u muuqday jawaab celin.

Walow aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen Madaafiicda ku hoobtay Xarunta Ciidamada AMISOM hadana kuwa ay ku garaaceen deegaanno rayidka ay degan yihiin ayaa la xaqiijiyay in 2 qof ay ku dhinteen  oo ku noolaa deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa  Shabelle u xaqiijiyay in ay maqlayeen xalay daryanka Madaafiic aad u cul culus oo labada dhinac ay isweedaarsanayeen.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayay weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan Gobolka Shabeelaha Hoose.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300