Published On: Sat, Jun 18th, 2016

Ururka Al Shabaab oo ugu dambeen xaqiijiyay in la dilay Sheekh Maxamed Dulyadeyn

dilyaan
Ururka Al Shabaab ee dagaalka ka wada dalka Somaliya, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in weerar dhinaca cirka ah lagu dilay Sheekh Maxamed Maxamuud Cal (Dulyadeyn), oo ka tirsanaa Saraakiishooda.Bayaan uu soo saaray Ururka Al Shabaab, kuna qornaa afka Carabiga, ayaa ciwaan looga dhigay (Taczi iyo tahniyad ku socota umadda Islaamka, Istish-haadka Sheekh Maxamed Maxamuud Cali Dulyadeyn).

Bayaanka waxaa lagu xaqiijiyay in Sheekh Maxamed Dulyadeyn la dilay 24-kii bishii Shacbaan ee sanadkan, isla-markaana uu helay wixii uu u dagaalamaayay muddo 20 sano ah.

Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay inaanu dagaalka Somaliya ku joogsan doonin, iyadoo la dilo hogaamiye ama xubin muhiim ah oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Al Shabaab waxay ku cago jugleysay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto waxa ay ugu yeertay gaalada iyo murtidiinta, illaa iyo inta ay ku sugan yihiin Somaliya.

Mareykanka, ayaa waxaa uu sheegtay in weerar cirka ah uu ku dilay Sheekh Maxamed Dulyadeyn, 31-kii bishii hore ee May, kaasoo ka dhacay Deegaanka Buulo Gaduud, oo 29km u jirta Magaalada Kismaayo.

Bayaan uu 9-kii bishan soo saaray Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika, fadhigiisuna uu yahay Magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka, ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay Dulyadeyn uu horkacaayay cutub ka tirsan Militariga Somaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300