Published On: Sat, Jun 18th, 2016

Booliska Belgium-ka oo xiray 12 ruux oo weeraro cusub qorsheynaayay

belgium
Ciidamada Booliska dalka Belgium-ka ayaa xiray 12-ruux oo sida la sheegay qorsheynaayay weeraro inay ka geystaan dalkaasi, sida ay sheegayaan Warbaahinta dalka Belgium-ka.12-kaan ruux ayaa laga qabtay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kadib markii ciidamada Booliska ay heleen macluumaadka ku aadan raggaan.

Weli si rasmi ah looma cadeynin in raggaan ay doonayeen weeraro ay ka geystaan dalkaasi, hayeeshe waxaa jira tuhuno badan oo laga qabo, balse Booliska ayaa weli baaritaano ku wado.

Warbaahinta dalka Belgium oo soo xiganeysa dacwad oogaha Federaalka ee Belgium ayaa sheegay in dadka la xiray lala xiriirinayo kooxaha argagixisada ah sida Daacish.

Laba qarax oo ay dad badan ku dhinteen ayaa hore uga dhacay magaalada Brussels gaar ahaan garoonka diyaaradaha iyo wada tareen oo dhulka hoos marta Bishii March 22-keedii.

Booliska Magaalada Brussels ayaa ku jira feejignaan dheeri ah oo ku aadan suggida ammaanka Magaalada iyo goobaha Bulshada ay isugu yimaadaan.

Daacish ayaa horay u sheegatay masuuliyada qaraxyadii ka dhacay Magaalada Brussels xilligaasi, iyadoo ku sii goodisay inay fulin doonaan weeraro kale.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300