Xildhibaan Dalxa oo Xukuumadda ku eedeeyay inay ka masuul tahay darbiga ay Kenya ka dhisayso xuduuda

Kenya oo Isniintii ciidan lixaad leh soo dhoobtay xuduuda Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya la leedahay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo Somaliya, ayaa la soo sheegaya in ay ka bilowday aas aaska darbiga.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa waxaa uu tilmaamay in Xukuumaddu ay ka gaabisay arrintan, taasoo ugu dambeen keentay in Kenya ku dhiirato qorshaheeda ay darbiga uga dhisayso xadka labada dal.
Waxaa uu sheegay arrintan inay tahay mid culeyskeeda leh, lagana doonayo Xukuumadda Somaliya inay ka bixiso jawaab cad oo ku haboon, sida uu yiri.
Isagoo la hadlaayay Radio Shabelle, ayuu ku celceliyay in Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Sharmaarke looga baahan yahay in ay qaaddo tallaabo ku aadan ficilada Kenya.
Odayaasha Dhaqanka iyo bulshada ku dhaqan Degmada Beled Xaawo, ayaa waxay qaylo dhaan ka muujinayan darbiga laga dhisaayo xuduuda, tiiyoo aanay weli ka hadlin Dowladda Dhexe Somaliya.
Dadka reer Beled Xaawo, ayaa kuu sheegaya in tan iyo Isniintii uu hakad ku jiro dhaq dhaqaaqii Beled Xaawo iyo Mandheera, markii Kenya ay si buuxdo u xanibtay dadkii labada dhinac isugu kala gooshaayay.