Published On: Fri, Jun 17th, 2016

Eritrea oo sheegtay inay dishay 200 ka mid ah Ciidanka Ethiopia

Itoobiya
Dowldda Eritrea, ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dileen in ka badan 200 oo askar Ethiopian ah, islamarkaana ay dhaawaceen in ka abdan 300 oo kale, intii uu socday dagaaal xuduudda ka dhacay Axadii iyo Isniintii.Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegadan, oo ay Dowladda Eritrea ku baahisay war qoraal ah oo ay maanta soo saartay.

Wareysi uu siiyay VOA, ayaa Wasiirka Isgaarsiinta Ethiopia, Getachew Reda waxa ku sheegay in tiradaasi aysan ahayn mid sax ah, hase yeeshee ma uusna beenin.

“Ciidamo dib u garasho ku jira oo jahwareersan ma garan karaan waxa dhacay.” Ayuu yiri Getachew Reda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ethiopia aysan wax dan ah ka lahayn inay baahiso khasaarihii ka dhashay dagaalka, oo ay qiimeynteeda ku ogaatay.

Labada dhinacba waxa ay sheegteen inay ku gacan sareeyaan dagaalka oo Axaddii iyo Isniintii ka dhacay magaalada xududda Eritrea ku taalla ee Tsorona, oo ah magaaladii dhalisay dagaaalkii weynaa ee labada dal dhex maray 1998-kii illaa 2000.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300