Published On: Thu, Jun 16th, 2016

Ciidamada Dowladda Somalia oo adkeeyay amniga Degmada Baardheere

C

Baardheere Taliyaha Ciidamada Booliska ee Degmada Baardheere, Maxamed Axmed Xasan o la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in weyn loo adkeeyay amaanka Magaaladaasi waxuuna ujeedka ku tilmaamay mid lagu xaqiijinayo amaanka Shacabka ku dhaqan Degmadaasi.

Taliye Maxamed Axmed Xasan ayaa waxuu intaasi ku daray in Ciidamo dheeraad ah la geeyay koontaroolada laga soo gala iyo kuwa looga baxo Magaalada Baardheere si ay uga hortagaan Weerarada Al Shabaab inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Dhinaca kale, Maxamed Axmed Xasan, Taliyaha Ciidamada Booliska ee Degmada Baardheere ayaa waxuu ugu baaqay Shacabka Reer Baardheere in Ciidamada ay kala shaqeeyaan sugida Nabad galyadooda.

Amaankan sida weyn loo adkeeyay ayaa waxey ku soo beegmeysaa Xili Weeraro iyo Dilal qorsheysan ay muddooyinki ugu dambeeyay ay Xarakada Al Shabaab ka geysanayeen qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300