Published On: Wed, Jun 15th, 2016

Obama iyo Dalai Lama oo kulmaya inkasta oo Shiinuhu ka soo horjeedo

barack_obama_with_dalai_lama

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa la balansan Dalai Lama isaga oo kulan khaas ah kula yeelan doona aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka inkasta oo Shiinuhu ay ka soo horjeedaan arrintaas

Shiinaha ayaa horay uga soo horjeedsaday in hogaamiyeyaasha aan Shiinayska ahayn ay kulan la yeeshaan wadaadkaas Tibet ka soo jeeda ee diinta Budhistaha caanka ka ah, waxayna u arkaan nin gooni ugoosad raba.

Obama iyo Dalai Lama ayaa horay u kulmay dhawr jeer, wadahadal koodanna wuxuu noqon doonaa mid ay albaabadu u xiran yihiin. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa cambaareeyay kulanka Arbacada.

Lu Kan wuxuu sheegay in kulankoodu uu calaamad khalad ah tusayo xoogagga gooni u goosadka iyo arrinta madaxbanaanidaba, taasina ay dhaawacayso kalsoonidii labo geesoodka ahayd iyo iskaashigii ka dhexeeyay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300