Published On: Wed, Jun 15th, 2016

Kenya oo bilowday aas aaska darbiga ay ka dhisayso xuduuda ay la wadaagto Somaliya

derbi

Dowladda Kenya, ayaa waxay bilowday in ay aas aaska u dhigto darbiga ay doonayso in ay ka hirgeliso xuduuda dheer, ee ay la wadaagto dalka Somaliya.

Kenya waxay dhismaha darbiga ay xilligan ka bilowday xuduuda Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya la wadaagto Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Xuduuda waxaa lagu arkayaa boqolaal ka mid ah Ciidanka Militariga Kenya, oo wata dabaabaadka dagaalka, waxayna indhahaagu qabanayan in si wayn loo soo qalabeeyay askarta Kenya.

Gudoomiyaha Degmada Beled Xaawo, Yuusuf Maxamed C/qaadir (Yuusuf Keenti), ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Dowladda Kenya ay bilowday darbiga ay doonayso in ay ka hirgeliso xuduuda labada dal.

Gudoomiyaha oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Kenya ay ciidan lixaad leh soo dhigtay xuduuda Degmooyinka Beled Xaawo iyo Mandheera.

Dadka reer Beled Xaawo, ayaa walaac xoog lihi ka muujinaya Kenya oo la sheegay in ay gudaha u gashay dhulkii Somaliya, isla-markaana ay ka soo gudubtay bartii labada dal kala qaybinaysay.

Madaxda Dowladda Somaliya, ayaan weli ka hadlin soo cusbooneysiinta Kenya ee ah darbiga ay damacsan tahay inay ka dhisto xuduuda labada dal.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300