Published On: Wed, Jun 15th, 2016

Hanaanka siyaasadda ee dhallinyarada Qaranka oo laga hadlay

Nuux
Kulankaaan oo looga hadlayay sida dhalinyarada ay uga qeyb gali lahayeen hanaanka Siyaasadda Dhallinyarada Qaranka oo ay wado Wasaaradda Dhallinyarada ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Isboortiga, Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda iyo Ururada Dhallinyaro ee ka jira caasimaddaDhallinyarada ka qayb galayay kulanka ayaa lawadaagay Wasiirka aragtiyo ku aadan baahiyaha gaarka ee mudan in lagu daro Siyaasada Dhalinyarada Qaranka.

Abdikaafi Mahamuud Makaraan, Mahamed Cabdalla Caqil iyo Falis Abdulaahi oo ku hadlayay afka Ururrada Dhallinyada ee ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in loo bahan yahay in la xoojiyo la tashiyada Dhallinyarrada si loo helo aragti mideysan, oo ka tarjumeysa siyaasadda dhallinyarada Qaranka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Maxamed Axmed Jimcaale oo Jamacadiisu kulankaan marti galisay ayaa sheegay in Jaamacadda Ummadda ey siinayso dhallinyarada fursado lagu kobcinayo garaadkooda

“Waxaan balan qadaynaa inaa idin siino fursado aad garaadkiina ku kobcisaan, waxaan kaloo idiin sheegaa waxaa la dhisaa hool loogu talagalay dhallinyada kaas oo talooyinkiina aad ku soo gudbisaan  idinkana waxaa leydin karabaa in aad ka qeyb qaadataan dhismaha dalka oo aad la timadaan fikrado Jaamacadda Ummadda waxa ay ku howlantahay in ay soo saarto dhallinyaro bartay kuliyadda beeraha caafimaadka gabdhaha, hada waxaan bilabeynaa goob ay ku bartaan xirfado ay naftooda ku marayn karaan oo soconaya mudo 2 sano ah”ayuu yiri guddoomiyaha Jaamacadda.

Wasiirka dhallinyada iyo ciyaarah Maxmed Cabdullaahi Nuux oo lahadlayay dhallinta ayaa ka hadlay ahmiyada kulankaan ay u qabteen oo ah in la helo aragtida dhallinyarada, si loogu biiriyo tallooyinkooda siyaasadda dhallinyarada Qaranka.

“Waxaan doonaynaa in aan idin lawadaagno halka ay maraysay hanaanka Siyaasada dhallinyarada Qaranka oo aan dhawaanahaan ku howlaneen, hada waxa uu marayaa gabagabo waa in aad u istaagtaan sidii aad wax ugu darsan lahaydeen, inagu waxaan balanqaadaynaa in tallooyinkiina aan ku biirino aragtida dhallinyarada waxaana qorsheynaynaa”

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300