Published On: Wed, Jun 15th, 2016

Guddi loo saaray sabahaha keenay isku dhac ciidamo ka wada tirsan Maamulka Galmudug

Cali-Gacal-Casir
Guddoomiyaha baarlammaanka maamul-goboleedka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa kaga hadlay xaaladda amni ee magaalada iyo isku dhicii dhawaan ciidamada ay ku dagaalameen magaalada Cadaado, isagoo intaa ku daray in guddi u saaray, shaqaaqada.Guddiga ayaa xaqiijinaya cidda iska leh mas’uuliyadda shaqaaqada oo ay dad ku dhinteen, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa kale oo guddiga loo xil-saaray, inuu xal kama dambays ah ka gaaro dhacdadaas, si loo soo celiyo kalsoonida iyo wadashaqaynta ciidamada ka howlgala gobolka Galgaduud.

Saddex qof ayaa ku dhimatay, dhowr kalena way ku dhaawacmeen, isku dhac u dhexeeyay labada ciidan oo dhawaan ka dhacay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Galmudug.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300