Published On: Wed, Jun 15th, 2016

Dowladda Somaliya oo ka hadashay 50-ka qof ee lagu laayay Magaalada Orlando ee dalka Mareykanka

orlando

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa uu ka hadlay weerarka Axadii lagu qaaday baarka lagu caweeyo ee ku yaala Magaalada Orlando ee Gobolka Florida, laguna laayay 50-ka qof, 53-ka kalana lagu dhaawacay.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa waxaa uu weerarkan ku tilmaamay mid aad looga naxo, isla-markaana uu yahay waxa ay maalin kasta dagaalka kula jirto Dowladda Dhexe Somaliya.

“Arrin aad looga naxo weeye. Runtii waa arrinta maalin kasta aan anaga wajahno, oo waxyaabaha dal iyo dad ahaanba aan maalin kasta la dagaalameyno, Soon kastana aan la dirireyno.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa yiri “Maalin kasta hoteelo ayaa dad loogu galaa, lagu laayaa. Waa feker argagaxiso oo khaldan oo runtii la leeyahay diin bay salka ku haysaa, isla-markaana aan diin salka ku haynin ayaa umaddii lagu laayay.”

Isagoo la hadlaayay VOA, ayuu yiri “Runtii aad baan u dhaleeceynaynaa, waana ka xunahay. Dowladda Mareykanka waan uga tacsiyadeynaynaa waxyaabahaasi ku dhacay. Dadka waxaan gaysanayana meelkastoo jooggaan waxay ila tahay Dowladda Somaliyeed, Dowladda Mareykanka iyo dowladaha adduunkoo dhan inay iska kaashadan.”

Omar Mateen oo ahaa 29 jir u dhashay Mareykanka, balse uu asalkiisu yahay Afghanistan, ayaa loo aqoonsaday in uu yahay shakhsigii qaaday weerarka ka dhanka ah baarka ay qaniisiintu isugu timaado.

Golaha Muslimiinta Mareykanka, ayaa waxay weerarkan ku sheegeen mid aan shaqo ku lahayn Diinta Islaamka, waxay kaloo sheegeen in xadgudub uu ku yahay Islaamka iyo sharuucda Mareykankaba.

Weerarkan waxaa uu noqonayaa noociisii ugu xumaa ee toogasho ah oo ka dhacda gudaha Mareykanka. Duqa Magaalada Orlando, Buddy Dyer waxaa uu ku dhawaaqay in weerarkaasi lagu dilay 50 ruux, halka 53 kalana lagu dhaawacay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300