Published On: Wed, Jun 15th, 2016

Baarlamaanka Somaliya oo u codeeyay wax ka bedelka qodobo Dastuurka ka mid ah

barlamaankaXildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa u codeeyay in wax ka bedel lagu sameeyo qodobo ka mid ah Dastuurka KMG ee dalka.

Xubnaha Baarlamaanka Somaliya ayaa wax ka bedel ku sameeyay Qodobada kala ah 60aad farqadiisa 1aad iyo qodobka 136 farqadiisa 2aad ee dastuurka KMG ah.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar ayaa shir guddoominaayay kulanka Baarlamaanka ee maanta, iyadoo xubnaha Baarlamaanka intoda badan ay joogeen.

Baarlamaanka ayaa u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo qodobada aan kor ku soo xusnay, iyadoo ay cod gacan taag ah ku codeeyeen 215 mudane, waxaana haa ku ogolaatay 208 mudane afar mudane waa ay diiday, halka saddex mudane ay ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar.

Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Dib u eegista Dastuurka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, ayaa sheegtay Qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay in muhiim uu u yahay Qaranka Somaliya.

Ugu dambeen Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somaliya ayaa ku dhawaaqay in Baarlamaanka uu galaayo fasax ku aadan ciida, maadaama ay dhameysteen Shuruucdii hor taalay

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300