Published On: Wed, Jun 15th, 2016

190 Muhaajiriin ah oo badda laga badbaadiyay

dooni
Markab laga leehay dalka Netherlands oo ku sugan badwaynta Mediterranean ayaa soo badbaadiyay in ka badan 190 muhaajiriin ah oo doontii ay saarnaayeen ay sii dagaysay.

Hawlgalkaasi ayaa ka dhacay Talaadadii inta u dhaxeeyso jasiirada dalka Talyaaniga ee sicili iyo Masar.

Muddo isbuuc ah ayay doonidan badda ku jirtay iyadoo shidalkiina uu ka dhamaaday.

Muuqaalo la soo bandhigay ayaa muujinaya gurmadka dagdaga ah oo si dagdag ah u qaadaya canug yar iyo haweenay uur leh oo daal badan uu ka muuqdo

Muhaajirintaas ayaa la gayn doonaa mid kamid ah dakadaha talyaaniga maalmaha soo socdo.

Dalal badan oo qaaradda Yurub ku yaala ayay sanadkan gaareen muhaajiriin aad u badan.

Qulqulka muhaajiriinta ayaana ka mid ah arrimaha ugu waawayn ee hor yaala dalalka ku jira Midawga Yurub.

Xaaladda muhaajiriinta waxaa sii huriyay colaadaha sokeeye ee ka taagan dalka Suuriya iyo liibiya oo dagaalka ka jirta ay sii dheertahay in uu marin u yahay muhaajiriinra Afrika ka taga

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300