Published On: Mon, Jun 13th, 2016

UNHCR “Qasab laguma celin karo Qaxootiga Dhadhaab”

unh-696x464

Hey’ada Qaxootiga Qaramada Midoobey uqaabilsan ee UNHCR ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay ka heshay balanqaad ah inaan qasab lagu celin Qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya kuwaas oo 25-kii sano la soo dhaafay deegaansanayay halkaasi kadib kulan uu la qaatay Flip Grand.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa soo dhaweeyay hubaal ahaansaha ah in dalka Kenya uu u hogaansami doono sumcadii soo jireenka aheyd ee dalka uu lahaa taasoo uu ku tixgelin jiray Qaxootiga.

Madaxa Hey’ada UNHCR Flip Grand ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu maqlo Madaxweynaha dalka Kenya oo sheegaya in uu tixgalinayo heshiiskii saddex geesoodka ahaa oo horey ay ugaareen dalalka Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR.

Flip Grand Madaxa Hey’ada UNHCR ayaa sheegay in QM ay sii wadi doonto taageerida Qaxootiga Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa horey usheegtay in ay xireyso xeryaha Dhadhaab oo ay ku nool yihiin Kumanaan ruux oo Soomaali ah kuwaas oo dalkooda uga cararay colaada dalkooda ka taagan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300