Published On: Mon, Jun 13th, 2016

UNHCR oo Kenya ka heshay balan qaad ah inaan qasab lagu celin Qaxootiga Somalida

timthumb (33)

Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in Dowladda Kenya ay ka heshay balan qaad ah in aan qasab lagu celin Qaxootiga Somalida ee ku jira Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Kadib kulan uu la qaatay Filippo Grandi Madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxuu soo dhaweeyey hubaal ahaanshaha in dalka Kenya uu u hoggaansami doono sumcaddii soo jireenka ahayd ee dalku lahaa taasoo uu ku tixgelin jiray xuquuqda qaxootiga.

Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maqlo Madaxweyne Kenyatta oo dhahaya weliba si adag xalka loogu raadinayo in dib loogu celiyo qaxootiga wuxuu noqon doonaa mid sharci ah oo u dhaca qaab nabadeed laguna tixgelinayo shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah.” Ayuu yiri mr Filippo Grandi

Filippo Grandi Madaxa hay’adda qaxootiga ee UNHCR ayaa xusay in hay’addaha caawiya qaxootiga ay wax badan qabteen laakiin aysan noqon mid daboosha dhammaan baahidooda wuxuuna ballanqaaday inay Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taakuleynta qaxootiga Soomaaliyeed.

Sanadkii 2013kii Kenya, Soomaaliya iyo hay’adda UNHCR ayaa wada gaaray heshiis saddex geesood ah kaasoo lagu caawinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab jooga inay billaabaan inay si iskood ah ugu laabtaan dalkooda iyagoo tagaya sagaal goobood oo loo cayimay oo ku kala yaalla bartamaha Soomaaliya, Puntland iyo Somaliland kuwaasoo ammaan ahaan degen waxaana illaa hadda ku laabtay Soomaaliya qaxooti gaaraya 14,000 kuwa kalena waa qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300