Published On: Mon, Jun 13th, 2016

Maamulka Cadaado oo sheegay inay wadaan qorshe looga gudbaayo dagaalada Ciidamada Dowladda

timthumb (30)

Maamulka Degmada Cadaado, ayaa waxaa uu wadaa qorshe cusub oo looga gudbaayo dagaalada Ciidamada Dowladda Somaliya ku dhex maraaya Degmadaasi, kolka ay qaadanayan mushaaraadka.

C/laahi C/raxmaan Xuseen (Tootoole), Gudoomiyaha Degmada Cadaado oo ka hadlay wixii sababay dagaalkii Axadii Ciidamada Dowladda ku dhex maray Degmadaasi, ayaa sheegay inuu ka dambeeyay markii askar aan weli liiskooda la soo gudbin, ay weerartay goob mushaaraad lagu siinaayay askar liiskooda la soo gudbiyay.

Gudoomiyaha oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa xaqiijiyay in saddex askari ay ku dhimatay dagaalkaasi, iyadoo saddex kalana sida uu sheegay ay ku dhaawacantay.

Waxaa uu soo hadalqaaday inaanan laga gudbi karin dagaalka u dhaxeeya askarta, illaa iyo inta mar qura mushaaraadkooda laga wada siinayo, ayna ka shaqayn doonaan sidii loo heli lahaa in markeliya la bixiyo mushaaraadka askarta.

Waa markii labaad oo Ciidamada Dowladda Somaliya ay isku dagaaladan Cadaado, xilli ay ka socotay bixinta mushaaraadka askarta, kuwooda la soo gudbiyay magacyadooda.

Gudoomiye Tootoole wuxuu sheegay in wax iska caadi ah ay yihiin iska horimaadyada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda, markastana ay ka dhacaan meelaha ay jooggaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300