Published On: Mon, Jun 13th, 2016

Eritrea oo ka hadashay dagaalka dhexmaray ciidamadooda iyo kuwa Ethiopia

eritaria

Xukuumadda Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysey in ay dagaal ku soo qaadeen ciidda dalka Eritrea Xukuumadda Itoobiya ayaan weli ka jawaabin eedeynta loo jeediyey.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Eritrea  ayaa lagu sheegay in Maalintii Axada aheyd ciidamada Itoobiya ay weerareen Magaalada Tsorona.

“Xukuumadda TPLF waxay maalintii axadda weerar ku soo qaadeen ciidda Eritrea, gaar ahaan Tsorona.”Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta dalka Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Ereeeriya Yemane Ghebremeskel oo la weydiiyey khasaaraha ka dhashey weerarka lagu soo qaadey, ayaa sheegay in aysan caddeyn weli khasaaraha dhabta ah ee ka dhashey dgaalka.

Dalka Ereteeriya oo xornimada ka qaatey Itoobiya 1991 ayaa dagaal la galay Itoobiya mudadii u dhexeysey 1998 iyo 2000, waxaana ku dhintey dad aad u faro badan.

Ciidamada labada dal ka joogga xuduuda, ayaa mararka qaarkood isu dhaca, inkastoo isu dhacyadaasi ay yihiin kuwo aan buurnayn.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300