Published On: Mon, Jun 13th, 2016

Ciidamada Itoobiya iyo Eritrea oo wada dagaalamay

timthumb (29)

Dalalka Eritrea iyo Itoobiya, ayaa waxaa la sheegay in dagaal uu ku dhex maray xadka labadaasi dal, iyadoo illaa iyo hadda aan la garanayn waxa sababay dagaalka ka dhex qarxay labada dhinac.

Ciidamada labada dal ee ka hawlgala xuduuda, ayaa waxaa la sheegay in Axadii ay isu adeegsadeen hubka waawayn, waxayna dadka deegaanku bilaabeen in ay guryahoodu ka cararan.

Degmada Tserona oo ku taala Waqooyiga Itoobiya, ayaa dadka degan waxaa laga soo xigtay in ay maqlayeen sawaxanka hubka waawayn, ayna arkayeen ciidan wata hubka cul culus u jiheystay dhanka xuduuda.

Dagaalkan, ayaa waxaa uu saameeyay dadka ku nool deegaanada Akran, Kolo berendo iyo Kinin Kinito, waxayna markasta u nugul yihiin dagaalada labada dal ku dhex maraya xuduuda.

Deegaanada ay dagaaladu ka dhaceen, ayay labada dal ku muransan yihiin, walow Qaramada Midoobe ay u xukmisay Eritrea, halka Itoobiyana ay ka biyo diidan tahay.

Dagaaladii adkaa ee dhex maray Itoobiya iyo Eritrea, intii u dhaxeysay 1998-2000, ayaa waxaa ku dhintay in ka badan boqol kun oo qof oo labada dhinac ah.

Ciidamada labada dal ka joogga xuduuda, ayaa mararka qaarkood isu dhaca, inkastoo isu dhacyadaasi ay yihiin kuwo aan buurnayn.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300