Published On: Sat, Jun 11th, 2016

Shan Dhalinyaro Somali ah oo lagu xukumay Jazeerada Seychelles

timthumb (27)

Shan ruux oo Somali ah ayaa lagu xukumay Jazeerada Seychelles, kadib markii la soo toogay maxkamada Sare ee, islamarkaana lagu helay dambiyadii loo haystay.

Shantaan ruux oo ah Dhalinyaro Somaliyed ayaa lagu helay sida maxkamada ay sheegtay dambi la xiriira Burcad badeednimo, sida uu ku dhawaaqay Garyaqaanka Maxkamada.

Garyaqaan Maxkamada Gustave Dodin ayaa sheegay dambiyada raggaan ku cad inay yihiin weeraro ay ka geysteen Badweyne India iyo qafaal ay kula kaceen Doon.

Waxa uu sheegay weeraradaasi inay geysteen intii u dhaxeysay  January 1 ilaa January 18, 2014, taasina maxkamada horteeda la keenay cadeymo rasmi ah oo muujinaya dambigooda.

5 nin ee Somalida ah waxaa Jasiiradda la geeyay January 30, 2014, waxaa qabtay markii hore Maraakiibta dagaalka ee faransiiska kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowgya Yurub ee Badda Somaliya.

Faransiiska ayaa ku weejiyay Seychelles iyadoo la eegayo heshiis dhexmaray Jasiiraddaas iyo Midowga Yurub December 2009 kaas oo la xiriira Burcad Badeedda.

Dhalinyaradan ayaa lagu xukumay min 12 sano oo xarig ah, sida qaadiga uu ku dhawaaqay.

Jazeerada Seychelles, ayaa waxaa ku xiran Dhalinyaro badan oo Somali ah, kuwaasi oo loo haysto arimaha ku aadan Burcad badeednimada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300