Published On: Sat, Jun 11th, 2016

Shabaab oo qorsheynaya inay weerar ka geystaan Magaalada Nairobi

timthumb (26)

Booliska dalka Kenya ayaa soo saaray digniin cusub oo ku aadan weeraro Al Shabaab ay ka geystaan dalka Kenya, inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Digniintaan oo ka soo baxday Taliska Booliska dalka Kenya ayaa lagu wargeliyay Hay’adaha ammaanka dalkaasi inay galaan feejignaanta ku aadan dhanka ammaanka iyo ka hortagga weerarada Shabaabka.

Booliska waxa ay sheegeen suuragal inay tahay Shabaabka inay weeraraan Magaalooyinka  Mombasa, Malindi iyo Nairobi, iyagoo intaasi raaciyay weeraradaasi Shabaabka inay ka soo abaabulayaan Kaymaha Boni.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Kenya, George Kinoti  ayaa shaaca ka qaaday in amaanka la adkeeyay kadib markii ay soo baxeen xogo ku aadan in Al Shabaab ay damacsan yihiin fulinta Weeraro xoogan.

“Waxaan helnay macluumaad ku aadan weeraro argagixiso oo Shabaabka ay maleegayaan Bisha Ramadaan gudaheeda inay ka geystaan Magaalooyinka Mombasa, Malindi iyo Nairobi, sidaasi awgeed waa in feejignaan sare la gala.” Ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Xoogaga Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka geystay gudaha dalka Kenya, waxa ayna ku dileen muwaadiniin badan oo Kenyatti ah.

Booliska Kenya ayaa dhowr mar shaaciyay digniino kala duwan oo ku aadan suurtagalnimada weeraro ay geystaan Shabaabka Somaliya ka dagaalama.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300