Published On: Fri, Jun 10th, 2016

Sarkaal lagu dilay Degmada Wardhiigley iyo raggii dilay oo baxsaday

WAR-DEG-DEG-AH2

Sarkaal ka tirsan Maamulka Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, ayaa xalay lagu dilay Degmadaasi, ka dib markii ay weerareen rag bistoolado ku hubeysnaa.

Raggan, ayaa waxay Maxamed Jimcaale ku dileen agagaaraha Isgoyska Siinaay, waxaana dilka ka dib u suurta-gashay inay ka cararan goobtaasi, mana suurtagelin in gacanta lagu soo dhigo.

Ragga dilka gaystay oo laba nin lagu sheegay, ayaa qaarka kore rasaas kaga dhuftay marxuumka, ka hor intii aanay ka baxsan halkii ay ku dileen.

Maxamed Jimcaale, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu xilligan ahaa Gudoomiyihii Waaxda Janaraal Daa’uud ee Degmada Wardhiigley.

Saraakiisha Maamulka Degmada Wardhiigley, ayaan weli ka hadlin dilka Maxamed Jimcaale loogu gaystay Degmadaasi, balse dilkan waxaa uu qayb ka yahay dilalka ay Shabaabku ka wadaan Caasimadda.

Mintidiinta Al Shabaab, ayaa kordhiyay weerarada ay ka gaysanayan Magaalada Muqdisho, wixii ka dambeeyay markii la guda galay bishan barakaysan ee Ramadan.

Shabaabku waxaa looga bartay in Ramadanku ay xoojiyan dilalka iyo weerarada tooska ah, ee ay ka gaysanayan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300