Published On: Fri, Jun 10th, 2016

Maxaad kala socotaa inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rayidka ka soo gaaray weerarkii Halgan

WAR-DEG-DEG-AH2

Marka laga soo taggo khasaaraha dagaalkan ka soo kala gaaray Ciidanka Itoobiya iyo Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa sidoo kale waxaa uu sababay dhimashada in ka badan lix qof oo rayid ah iyo dhaawaca 25 kale.

Gudoomiyaha Deegaanka Halgan, Guhaad Cabdi Warsame, ayaa xaqiijiyay in dhawr ka mid ah dadka reer Halgan in ay ku dhinteen dagaalka, halka tobonaan kalana ay ku dhaawacmeen, sida uu yiri.

Gelinkii dambe ee Khamiistii shalay, ayaa dhaawacyada in ka badan 20 qof oo rayid ah la gaarsiiyay Isbitaalka Baledweyne. Dadka qaarkood waxaa la sheegay inay xaaladoodu liidato.

Maxamed Cabdi Cismaan (Macalin Khalaafow), Gudoomiyaha Degmada Baledweyne, ayaa xaqiijiyay in Isbitaalka Baledweyne la seexiyay ugu yaraan 20 qof, kuwaa oo lix ka midda uu sheegay in xaaladoodu ay culus tahay.

Gudoomiyaha oo isbitaalka ku booqday dhaawacyada, ayaa waxyeelada soo gaartay dusha kaga tuuray mid ay ka masuul yihiin Ururka Al Shabaab.

Dowladda Somaliya, ayaa gargaar dawo ah u dirtay Magaalada Baledweyne, si lagula tacaalo xaaladda dadka rayidka ihi, ee waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii Halgan.

Dhanka kale guryo ay leeyihiin dadka deegaanka, ayaa ku burburay dagaalka kulul ee ka dhacay Halgan, inta badanse waxay guryuhu ku burbureen qaraxii ismiidaaminta ahaa, ee lagu jebiyay abaabka hore ee xerada Amisom.

Dagaalkan, ayaa qoysas badan ku khasbay in ay isaga cararan guryahooda, iyagoo walaac ka muujinaya in markale ay wada dagaalaman dhinacyadaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300