Published On: Fri, Jun 10th, 2016

dhaawacyada-ciidanka-itoobiya-oo-diyaarado-looga-daabulay-deegaanka-halgan

timthumb (23)

Ciidankii Itoobiya ee ku dhaawacmay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, ayaa dhaawacyadooda laga daabulay halkaasi, iyadoona la gaarsiiyay Magaalada Baledweyne.

Diyaarado helicoptero ah, ayaa dhaawacyadan Khamiistii ka qaaday Deegaanka Halgan, waxayna gaarsiiyeen Xarunta Amisom ku leedahay Xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Baledweyne.

Askartan, ayaa waxaa dagaalkaasi ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan. Qaarkood waxaa la sheegay in rasaasta nool nool lagu dhaawacay, halka qaarka kalana la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxii uu ku bilowday dagaalka.

Meydadka askarta Itoobiya looga dilay Halgan, ayaa waxaa la qorshaynaya in dalkooda loo qaado, si halkaasi aas loogu sameeyo. Waxaa adag in macluumaad sax ah laga helo tirada askarta Itoobiyanka ihi ee dagaalkaasi lagu dilay. Warar madax bannaan waxay xaqiijinayan in Itoobiyanka laga dilay in ka badan 25 askari

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa sheegay dagaalkan in ay ku dileen in ka badan 60 askari oo ka tirsan Ciidanka Militariga Itoobiya, sida uu yiri.

Afhayeenka, ayaa sheegay in Ciidanka Itoobiya uu khasaaraha xoogiisu ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah, oo mid ka mid ah dagaal-yahanada Shabaabku uu kula beegsaday albaabka hore ee xerada.

Dagaalkan, ayaa ka dambeeyay markii aroornimadii hore ee Khamiistii ay Shabaabku weerar ku bilowday is qarxin ku qaadeen fariisimaha Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah Amisom, ay ku leeyihiin Halgan.

Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Hiiraan, Maxamed Ibraahim C/laahi, ayaa waxaa uu dagaalkan ku sheegay noociisii ugu xooganaa, oo labada dhinac ku dhex mara Gobolkaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300