Published On: Thu, Jun 9th, 2016

Amisom oo ka hadashay dagaalka xoogan ee Shabaabka ku qaadeen Halgan

timthumb (20)

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxa ay ka hadleen dagaalka xoogan ee saaka aroortii Xoogaga Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Itoobiya ay halkaasi ku leeyihiin.

Amisom ayaa sheegtay inuu jiro dagaalkaasi oo Shabaabka ay ku soo qaadeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee fadhigooda uu yahay Deegaanka Halgan.

War kooban oo lagu qoray Twitterka Amisom ayaa lagu sheegay inay xaqiijinayaan dagaalkaasi oo ciidamadooda ay si adag isaga difaaceen Xoogagii Shabaabka ee weerarka soo qaaday

Amisom waxa ay sheegtay ciidamadooda iyo kuwa Dowladda inay iska caabiyeen Shabaabka oo ay la dagaalameen, iyagoo intaasi ku daray in ciidankooda ay ku guda jiraan racdeysiga Shabaabkii soo weeraray.

Waxa kale oo Taliska Amisom ay sheegeen in dagaalkaasi ay ku qabsadeen hub, islamarkaana faah-faahinta la xiriirta hubka ay qabsadeen dib ay ka soo sheegi doonaan.

Al Shabaab ayaa sheegtay 43 Askari oo ciidamo Itoobiyaan ah inay ku dileen dagaalka xoogan ee ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Itoobiya ee Deegaanka Halgan.

Majirto ilo wareedyo ka madax banaan labada dhinac oo xaqiijinaya sida ay wax uga dhaceen Deegaanka Halgan, laakiin dadka deegaanka ayaa ka barakacay Deegaanka Halgan oo Isgaarsiinta ay adag tahay in taleefoonka uu baxo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300