Published On: Wed, Jun 8th, 2016

Uganda oo baareysa 5 askari oo looga xiray magaalada Muqdisho

arrested-640x480

Sida Lagu Soo Daabacay Wargeyska The New Ee Kasoo Baxa Gudaha Dalka Ruwanda ayaa lagu sheegay in Dawlada Uganda Ay Baareyso Askar Ka Tirsan Ciidamadeeda Qeybta Ka Ah Howlgalka Amisom Ee Soomaaliya Kuwaasi Oo Lagu Eedeeyey Dhawaan In Ay Ku Lug Lahaayeen Suuq Madow Oo Lagu Iibinayey Qalab Militari Oo Loogu Talagaly Howlgalka Amisom Ee Soomaaliya.

Dowladda Uganda Waxa Ay  sheegtay in ay baarayso askar ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM  kuwaa soo dhawaan lagu xiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Col. Paddy Ankunda afhayeenka ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo la hadlay wakaalada wararka Xinhue ayaa sheegay in dowladda Uganda ay ka xun tahay falkaas ayna diyaar u tahay in ay ku sameyso baaritaan dheeri ah .

Horay waxaan dhacdaan ugu hadlay ururka Midowga Afrika oo sheegay in ay tahay wax lagu xumaado ayna baaritaanada lagu hayo askartaas ka qeyb qaadan doonaan.

Dhawaan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay askar ka tirsan ciidanka AMISOM ku waa soo kasoo kala jeeda dalalka Uganda iyo Burundi, waxaana lagu eedeeyay askartaas in ay Muqdisho ku dhex iibinayeen agab loogu talagay ciidanka AMISOM.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300