Published On: Wed, Jun 8th, 2016

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo sida wadajir ah warbaahinta u la hadley.

Hassan-Uhuru02-11-800x445

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay goor dhow oo galabta ah guriga madaxtooyada (State House) ee magaalada Nairobi.

Labada madaxweyne ayaa ka hadlay wixii ka soo baxay wadahadal dheer oo laba maalmood u socday, iyagoo ku heshiiyay qodobo dhowr ah oo labada dal xiriirkooda quseeya.

Labada dal ayaa ku heshiiyay in la fududeeyo isu socodka dadka safraya ee labada dal iyadoo guddi loo saaray in gebi ahaanba la qaado baritaankii rakaabka ka yimaada Soomaaliya mari jireen.

Arrimaha Qaxootiga iyo dib u celintooda oo ahayd qodobka ugu adag ee labada dhinac hor yaalay ayaa la isla gartay inaan qaxootiga lagu celin qasab.

Markacadeey.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300