Published On: Wed, Jun 8th, 2016

Dagaal culus oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe

timthumb (14)

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa caweysnimadii xalay dagaal culus ku qaaday Ciidamada Dowladda Somaliya, ee fariisimaha ku leh Deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo hoos-tagga Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalka oo bilowday 10-kii habeenimo ee xalay, ayaa waxaa uu socday hal saac oo xiriir ah, iyadoo dagaalka leesku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Mintidiinta Al Shabaab oo gaadiidka dagaalka watay, ayaa hujuum xoogan soo saaray Ciidamada Dowladda, waxayna ku soo dhawaadeen fariisimaha ay ku leeyihiin Masaajid Cali Gaduud, inkastoo dib loo caabiyay.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga oo ku sugan Masaajid Cali Gaduud, ayaa Dhacdo.com u sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus, isagoo intaa ku daray in jab xoogan ay ku gaarsiiyen mintidiinta.

Sarkaalkan oo magaciisa ka gaabsaday, ayaa xusay dagaalka in looga dilay laba askari, wuxuuse meesha ka saaray in wax askar ihi kaga dhaawacantay dagaalkaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Shabaabku ay si dirqi leh halkaasi kaga qaateen meydad iyo dhaawacyo, markii uu sheegay in jab lama fillaan ihi ay kala kulmeen Ciidanka Militariga Somaliya, sida uu yiri.

Dagaal-yahanada Shabaabka oo sanadkii hore lagala wareegay gacan ku haynta Masaajid Cali Gaduud, ayaa xilliyada qaarkood weeraro ku soo qaada Ciidamada Dowladda ee halkaasi degan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300