Published On: Wed, Jun 8th, 2016

Daawo Sawirada: R.W Cumar oo Muqdisho uga qaybgalay Munaasabad lagu xusaayay Dhalashada Boqorada UK

xusboqorad1

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa Magaalada Muqdisho wuxuu kaga qaybgalay Munaasabad lagu xusaayay Dhalashadii Boqorada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth II.

Munaasabadan ayaa lagu qabtay Xarunta Safaarada UK ee Magaalada Muqdisho oo ku taal Xarunta Xalane, waxaana lagu casuumay madax uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha.

Safiirka Dowladda UK u fadhisa Somaliya Harriet Mathews, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay ka soo qaybgalka Madaxda Somalida Xaflada lagu xusaayo Dhalashada Boqorada dalka UK

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ka sheekeeyay taageerada UK ee Somaliya ayaa sheegay inaysan marnaba ilaabi doonin garab istaagi UK ay la garab taagan tahay Somaliya.

Wuxuu sheegay inuu aad ugu hambalyeynaayo Boqorada dalka Britain Queen Elizabeth Dhalashadeeda, isaga oo tilmaamay in munaasabadani ay muujinayso ammaanka ka jira Somaliya.

Intii ay socotay Munaasabada ayaa halkaasi waxaa laga soo jeediyay Taariiqda Boqorada dalka UK, Queen Elizabeth oo 90 sano jirsatay.

xusboqorad5 xusboqorad6 xusboqorad9 xusboqorad13

Share on Google+0Share on LinkedIn0Email this to someoneTweet about this on Twitter0Digg thisShare on Facebook0

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300