Published On: Wed, Jun 8th, 2016

Booliska Amisom iyo xaqiijinta amniga Magaalada Muqdisho, maalmaha Ramadanka (Daawo Sawirada)

 Amisom-1

 Ciidanka Booliska ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa waxaa loo diyaariyay inay Booliska Somaliya ka caawiyan xaqiijinta amniga Magaalada Muqdisho, maalmaha lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan.

Booliska Amisom oo loo qaybiyay gaadiidka qufulan ee Militariga Amisom, ayaa waxaa la sheegay inay roondo ku mari doonaan wadooyinka muhiimka ee Magaalada Muqdisho,

Francis Aryee, Kaaliyaha Taliyaha Booliska Amisom, ayaa Booliska Amisom ku booriyay inay roondo ku maraan wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood, maalmaha Ramadanka.

Taliska Booliska Amisom, ayaa Dowladda Somaliya ka caawiya tababarada askarta iyo xaqiijinta ammaanka ee Magaalooyinka Wadanka qaarkood.

Saraakiisha Dowladda Somaliya iyo Taliska Amisom, ayaa waxay labaduba dareen ka qabaan in mintidiinta Al Shabaab, ay qorshaynayan weeraro ka dhan ah Xarunta Somaliya, maalmaha bisha soon-qaad.

Shabaabku waxaa looga bartay in bisha Ramadan ay xoojiyan abaabulka weerarada ay ka gaysanayan Magaalooyinka Somaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Booliska Amisom, ayaa xilliyada qaarkood la hawlgala Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Somaliya, kolka ay hawlgalo ka samaynayan Magaalooyinka ay maamusho Dowladda Dhexe.Amisom1Amisom5Amisom6

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300