Published On: Wed, Jun 8th, 2016

Afar qof oo loo soo qabtay qaraxii xooganaa ee ka dhacay Magaalada Istanbul

timthumb (15)

Laamaha ammaanka, ayaa durbaba afar qof u soo qabtay qaraxii xooganaa ee shalay ka dhacay Magaalada Istanbul, kaasoo lala beegsaday gaari ay leeyihiin Ciidanka Booliska Istanbul.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Turkiga (Anadolu) afartaasi qof, ayaa waxaa lala xiriirinaya in ay ku lug leeyihiin weerarkan, oo lagu dilay 11 qof, iyadoo 36 kalana lagu dhaawacay.

Inkastoo aanay illaa iyo hadda jirin cid si buuxdo u sheegatay masuuliyadda weerarkan, ayay Warbaahinta Turkiga qoreysaa in looga shaki qabo Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga (PKK), oo u dagaalameysa sidii ay kaga go’i laheyd Turkiga intiisa kale.

Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Turkiga oo si kulul u cambaareeyay weerarkaasi, ayaa Talaadadii Magaalada Istanbul ka sheegay in Turkigu uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, illaa iyo inta laga soo afjarayo.

Weerarkan argagaxiso waxaa lagula kacay kuwii ammaanka masuulka ka ahaa, tani maaha wax la cafin karo, qiilna malaha.” Ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga oo la hadlay Saxaafadda.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Waanu sii wadi doonnaa halganka aanu argagaxisada kula dagaalamayno, illaa aan ka dhameynayno si aanay baqdin ku jirin, isla-markaana harsi lahayn.”

Weerarkan, ayaa noqonayo noociisii afaraad oo ka dhaca Magaalada Istanbul, sanadkan, iyadoo weeraradan looga bartay Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga iyo Ururka Daacish.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300