Published On: Tue, Jun 7th, 2016

Maxay maanta ka wada hadlayaan Madaxweyne-yaasha Somaliya iyo Kenya?

timthumb (13)

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa waxa ay kaga hadlayaan arimo dhowr ah oo ku aadan labada dal, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya Daa’ud Aweys.

Daa’ud waxa uu sheegay arimaha labada masuul ay ka wada hadli doonaan inay tahay Xiriirka labada dal, gaar ahaan arimaha ku aadan Qaxootiga, Heshiisyadii horay u dhexmaray labada Dowladood iyo Xoojinta dhanka ammaanka labada dal.

Sida horay loo iclaamiyay kulanka dhexmaraya labada Madaxweyne waxa uu ujeedkiisa yahay in laga wada hadlo Xiriirka labada dal, gaar ahaan arimaha ku aadan Qaxootiga Somalida ee ku nool dalka Kenya ku nool, waxaa kale oo laga wada hadli doonaa Heshiisyadii horay u dhexmaray labada Dowladood iyo Xoojinta dhanka ammaanka labada dal.” Ayuu yiri Daa’ud Aweys oo la hadlay Idaacada BBC.

Arimaha ammaanka ayuu sheegay in labada Madaxweyne ay isku soo hadal qaadi doonaan oo ay ka hadli doonaan, sidii looga hortagi lahaa qataraha dhanka ammaanka labada dal, maadaama Soohdin ay wadagaan Somaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay tagay Xerada Qaxootiga Aduunka ugu weyn ee Dhadhaab oo ay ku jiraan Kumanaan ruux oo Somali ah, iyadoo halkaasi uu ku soo arkay Madaxweynaha xaalada ay  ku sugan yihiin dadkaasi.

Dowladda Somaliya ayaa doonaysa Qaxootiga Somalida ee dalka Kenya in si sharaf leh gudaha dalka loogu soo celiyo, iyadoo uusan jirin wax qasab ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300