Published On: Tue, Jun 7th, 2016

Kenya oo sheegtay inaysan xoog ku celin doonin qaxootiga Somaliyeed

timthumb (11)

Dowladda Kenya, ayaa waxay shaaca ka qaaday inaanay xoog u adeegsan doonin dib u celinta qaxootiga Somaliyeed, ee ku nool xeryaha qaxootiga ee ku yaala Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery, ayaa Isniintii Degmada Dhadhaab ka sheegay in si bani’aadanimo ku jirto ay ku celin doonaan qaxootiga, iyadoo la dhawrayo sharuucda caalamka kaga degsan arrimaha qaxootiga.

“Go’aanka Dowladda Kenya ee dib u celinta dadka qaxootiga wuxuu noqon doonnaa mid ku saleysan arrimaha bani’aadanimada iyo waxa ay isla ogolyihiin bulshada caalamka ee sharuucda caalamiga ah.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya.

Wasiirka, ayaa waxaa uu beeniyay wararka Warbaahinta caalamka ee ku aadan in awood lagu celinayo qaxootiga, isagoo intaa raaciyay in go’aanka Kenya aanu sidaa ahayn.

“Waxyaabaha ay iminka Saxaafadda caalamka wado ee ah in qaxootiga si khasab ihi looga rari doono xeryaha qaxootiga ee Degmada Dhadhaab waa waxba kama jiraan. Go’aankaasi maaha mid aynu qaadanay.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka, ayaa ku celiyay in go’aanka Kenya uu yahay in si bani’aadanimo ku jirto looga raro qaxootiga xeryaha Degmada Dhadhaab, si ay dalkoodu ugu laabtan iyadoo aan la khasbayn.

“Go’aankayagu waxaa weeye si bani’aadanimo ay ku jirto in dadkani ay dib ugu laabtan dalkooda, ee maaha in si khasab ah looga raro xeryaha qaxootiga ee Degmada Dhadhaab.” Ayuu yiri Joseph Nkaissery.

Kenya waxay u muuqataa in ay dib kaga laabatay qorshihii ay bishii hore kaga dhawaaqday Magaalada Nairobi, ee ahaa in bisha November ay albaabada u laabi doonto xeryahaasi, waxayna xilligaa magacawday guddi ka shaqeeya, sidii qaxootiga looga rari lahaa xeryaha Dhadhaab, ka hor inta aan la gaarin bisha November.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300