Published On: Tue, Jun 7th, 2016

Bishaar Abshir Geedi oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir

Bishaar-Abshir-Geedi-1

Bishaar Abshir Geedi oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Somaliya, ayaa waxaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, ka dib markii uu xilkaasi iska casilay General Cali Xersi Barre (Cali Gaab).

General Cali Xersi Barre, ayaa 24-kii bishii hore ee May ku dhawaaqay in uu xilkaasi iska casilay, isagoo aan sheegin wax sabab ihi oo uu xafiiska uga tagey.

General Cali Gaab oo xilkaasi loo magacaabay bilowgii bishii October, ayaa muddo toddobo bilood uun ku magacawnaa. Waxaana uu horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Gobolka Banaadir.

General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, ayaa Bishaar Abshir Geedi u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Bishaar Abshir, ayaa horey u soo noqday Taliyaha Hogaanka Gaadiidka Booliska, waxaana uu door fir fircoon ka qaatay soo noollaynta Booliska. Sarkaalkan waxaa uu deegaan ahaan ka soo jeedaa Magaalooyinka Dhuusamareeb & Guriceel.

Magacaabidda Taliyahan cusub, ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo la guda galay bisha barakaysan ee Ramadan, lagana cabsi qabo in Ururka Al Shabaab uu kordhiyo weerarada ka dhanka ah Caasimadda. Shabaabka waxaa looga bartay in bisha Ramadan ay xoojiyan abaabulka weerarada ay ka gaysanayan Magaalooyinka Somaliya, haba ugu horeysee Magaalada Muqdisho

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300