Published On: Mon, Jun 6th, 2016

Puntland oo ka digtay weeraro Shabaab ay ka geystaan deeganadaasi

timthumb (10)

Maamulka Puntland ayaa soo saaray digniin la xiriirta dhanka ammaanka deeganada Maamulkaasi iyo weeraro Shabaabka ay ka geystaan halkaasi.

Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiim C/laahi Xaaji Cumar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay ciidamada Maamulka Puntland meel kasta oo ay joogaan inay feejignaan galaan.

Wuxuu sheegay Shabaabka inay isku dayaan Bisha Ramadaan inay kordhiyaan weerarada ay ka geysanayaan deeganada Somalida, islamarkaana muhiim ay tahay in ciidamada ay taxadar muujiyaan.

Waxaan rabaa waad og tihiin Bisha Ramadaan Nimankaa Umadda Somaliyed Xasuuqa ee Shabaab inay had iyo jeeraale isku dayaan inay daadiyaan dhiiga umadda Somaliyed meel kasta oo ay joogaan, waxaan amrayaa ciidamada Puntland meel kasta oo ay joogaan inay feejignaadaan oo ay laba laabaan dadaalkooda ku aadan suggida amniga.” Ayuu yiri Camey.

Ciidamada ayuu sheegay inay yihiin kuwa u taagan xaqiijinta iyo suggida ammaanka Bulshada, islamarkaana dadka shacabka ay ku seexdaan ciidanka.

Kooxda Shabaab ayaa xilliga la gaaro Ramadaanka waxa ay isku dayaan kordhinta weerarada ay ka geystaan deeganada Somalida, iyadoo dhalinyarada u dagaalanta Shabaabka laga dhaadhiciyo inay Janada galayaan oo cibaado badan helayaan Bisha Soon.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300