Published On: Sun, Jun 5th, 2016

Xalane “Waxaan soo qabanay mid ka mid ah raggii Hoobiyeyaasha soo tuuray”

xalane

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay mid ka mid ah raggii ka dambeeyay Hoobiyeyaal lagu weeraray Xerada Xalane, oo ay degan yihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Madaafiicdan, ayaa xalay fiidkii waxaa lagu tuuray Taliska Amisom ee Xalane, waxaana sida wararka ay sheegayaan laga tuuray Degmada Dharkiinley.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa Wakaalada Wararka SONNA u sheegay ciidamada ammaanka inay ku guuleysteen soo qabashada nin ka tirsanaa raggaasi

“laba Hoobiye ayaa laga soo tuuray meel duleedka Degmada Dharkiinley ka tirsan, Ciidamada ayaa ka war helay halka ay ka soo dhacayeen, kadib waxa ay ceyrsadeen kooxdii waxa ay soo qabteen mid ka mid ah kuwii labada Hoobiye soo riday, mana jiraan wax Khasaare ah oo ay geysteen oo waxa ay ku dheceen meel Kaawada laga qodo oo ah dhul bannaan.” Ayuu yiri Mudane Xalane.

Xalane oo aanan bixin macluumaad badan oo ku aadan ninka la soo qabtay, ayaa wuxuu sheegay ciidamada ammaanka inay ku hayaan baaritaan ku aadan waxyaabaha lagu soo qabtay.

Al Shabaab, ayaa madaafiic ku tuura Xerada ugu weyn Amisom ee Xalane oo ku taal Magaalada Muqdisho, xilli Jimcihii oo Maxdaxweynaha Turkiga Muqdisho yimid, si aad ah loo adkeeyay ammaanka caasimada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300