Published On: Sun, Jun 5th, 2016

Nin Soomaali ah oo loo haysto Shabaabnimo oo lagu xiray Wadanka Finland

timthumb (7)

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin, ayaa waxaa Jimcihii lagu xiray Magaalada Oulu oo dhacda Waqooyiga Wadanka Finland, iyadoona ay su’aalo weydiinayan hay’adaha ammaanka.

Ninkan oo tuhun badan laga qabo in uu xiriir dhow la leeyahay Ururka Al Shabaab, ayaa sidoo kale loo haystaa in lacago uu u diray Ururkaasi.

Laanta Dembi Baarista Finland (NBI), ayaa waxaa laga soo xigtay in ninkaasi uu Finland soo galay bishii September ee sanadkii la soo dhaafay.

Jariirada Yle, ayaa qortay in NBI ay ku dhowdahay in ay soo afjarto baaritaanka lagu hayo muwaadinka Somaliyeed, waxaana macquul ah in maxkamadi uu wajaho.

Tallaabada lagu xiray ninkan, ayaa waxay ku soo beegmaysaa maalmo yar uun ka dib, markii ay Ururka Al Shabaab weerar qorshaysan ku qaadeen Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho. Weerarkan waxaa lagu dilay ugu yaraan laba qof oo haysta dhalashada Britain, balse asalkoodu uu Soomaali yahay.

Wadamada Reer Galbeedka, ayaa Ururka Al Shabaab ku daray liiska ururada argagaxisada ee daafaha caalamka ka dagaalama.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300