Published On: Sun, Jun 5th, 2016

Nin oday ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

timthumb (8)

Degmada Dharkiinley ee Galbeedka Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xalay lagu dilay nin oday ahaa, oo ka mid ahaa bulshada ku dhaqan Degmadaasi.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Salaad Maxamed Sabriye, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Ceeldheer, wax yar uun ka dib, markii uu Salaaddii Cishaha ahayd ku soo tukaday Masaajidka Al Khaliil.

Rag bistoolado ku hubeysnaa oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab, ayaa dhawr xabadood kaga dhuftay qaarka kore ee jirkiisa, waxayna dilka ka dib ka carareen xaafadaasi.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in ay adag tahay in gacanta lagu soo dhigo ragga dilalka ka gaysanaya xaafadaasi, oo xilliyada habeenkii uu dilku ku badan yahay, sababo ku aadan laamaha ammaanka oo aan wax xarun ihi ku lahayn xaafadaasi.

Salaad Maxamed Sabriye oo xubin ka ahaa hawlwadeenada Xarunta Baarlamaanka Somaliya (Golaha Shacabka), ayaa waxaa dilkiisa ka tacsiyadeeyay Xoghayaha Guud Baarlamaanka, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

“Ugu horayn aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Xildhibaannada Baarlamaanka, ayaan doonayaa inaan tacsi u diro ehelada, qoyska iyo carruurta uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Salaad Maxamed Sabriye oo ka tirsanaa hawlwadeenada ka hawlgala Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho. Waxaan Alle uga baryeynaa in naxariistiisa jano uu siiyo, gacan ka gardaranaa dishay.” Ayuu yiri C/kariin Buux.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300