Published On: Sun, Jun 5th, 2016

Halkan ka akhri Dowladaha ku dhawaaqey in ay beri Ramadaan ay tahay.

ramadan_crescent

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa si rasmi ah ugu dhawaaqdey in maalinta Berri (Isniin, 6, june ) ay tahay Maalinta 1aad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan, kadib markii sida ay sheegeen laga arkey magaalooyin kala duwan oo dalka ah.

Guddi Wasaaradda Ow-qaaftay iyo arrimaha Diinta ay u xil-saartay hubinta bilashada Bisha Ramadaan, ayaa sheegay in bisha laga arkay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Deegaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaanno kale oo Soomaaliya ah.

Sh Cali Sh Maxamuud Sh Cali Dheere oo ku hadlay Magaca Culimada loo Xilsaaray Hubinta iyo Xaqiijinta dhalashada bisha ay Tv-ga Qaranka Soomaaliya ka sheegay in ay xaqiijinayaan Sugnaashaha Bilashada Bisha Barakeysan Ee Ramadaan.

Dhinaca Kale, Dowlada Sacuudiga ayaa shaaciyay in Berito oo Isniin ah Bisha June-na ay tahay 6- ay tahay Maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

Gudiga sare ee Garsoorka Sacuudiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in  In Beri ay ramadaan tahay, sida ay Baahiyeen Warbaahinta Caalamka Qaarkood

Bogga Arabnews iyo Telefishinka Sacuudiga ee Al Carabiya ayaa xaqiijiyay sido kale in bisha Barakeysan ee Ramadan laga arkay dalka sacuudiga lana xaqiijiyay.

Dalka Australia Muslimiinta ku nool waxa ay waqti hore sii tukaden salaada Taraawiixda iyaga oo bilaabi doona caawa saqda dhexe xiliga Soomaaliya iney sooman maalinta koowaad ee bisha Ramadan maadama ay waqti ahaan ka horeyan Soomaaliya.

In ka badan 1.5 Bilyan oo Muslimiin ah ayaa qayaas ahaan soomi doona caalamka oo dhan sida uu sheegay Telefishinka Al Carabiya.

Xafiis wareedka Markacadeey.com

Muqdisho- Soomaaliya

E-mail: markacadeeymedia@gmail.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300