Published On: Sun, Jun 5th, 2016

Askar Amisom ah oo dowlada Soomaaliya ay xirtey.

bre

Askar ka tirsan Ciidamada Amisom ee Nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya ayaa la xirey manta, kadib markii Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay ku soo qabteen howl gal ay sameeyeen.

Wararku waxay leeyihiin 5 Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo iibinayay qalabka loo keeno ciidanka AMISOM ayaa la xiray.

Askarta iyo dadkaan ayaa ciidamada amaanka Soomaaliya waxa ay ka qabteen Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee  aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu qabtay ciidanka AMISOM iyo dadkaan ayaa waxa uu sheegay in ciidanka amaanka ay daba socdeen arintaan ugu danbayntiina maanta ay u suurta gashay in ay qabtaan shaqsiyaadkaan iyo Alaabihii ay iibinayeen.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa isna dhankiisa sheegay in ciidanka AMISOM ee la qabtay iyo dadka la shaqaynayay  sharciga la horkeeni doono.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in arintaan ay tahay danbi oo aysan ka haraynin dowladda Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha waan idin soo gudbineynaa.

Xafiis wareedka Markacadeey.com

Muqdisho- Soomaaliya

E-mail: markacadeeymedia@gmail.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300