Published On: Sat, Jun 4th, 2016

Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda oo soo dhaweyn u sameeyay Ugaas Cismaan

hiiraan
Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ugaas Cumar oo ka mid ah duubabka ugu magaca ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan iyo Wafdi uu hogaaminayay oo muddo howlo dib u heshiisiin ah u tegay gobolka Hiiraan ayaa maanta kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Maxamed Cabdi Cabdi Daalo, Xildhibaan Dr Cismaan Maxamuud Dufle, siyaasiyiin, odoy dhaqameedyo, siyaasiyiin, haween iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.Axmed Cali Cabdiraxmaan oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee la socday Wafdiga Ugaas Cismaan ayaa sheegay in ujeedka socdaalkii nabadeed ee ay ku tageen Hiiraan uu ku soo dhamaaday guul.

Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ugaas Cumar oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa ugu horeyn ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay isaga iyo wafdi uu hogaaninayay haddii ay ahaan lahayd Muqdisho iyo tii Beledweyne intuba.

Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ugaas Cumar oo ka mid ah ugaasyada gobolka Hiiraan, isla markaana ku guuleystay howlo dib u heshisiin ah ee ay u tegeen gobolka ayaa dowladda iyo hay’adaha samafalka ka codsaday inay gurmad u fidiyaan dadka ay saameysay fatahaadda iyo colaadaha ee gobolka Hiiraan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300