Published On: Sat, Jun 4th, 2016

Shir looga hadlayay hindishe sharciyeed mabaadii’da jinsiga oo ka furmay Baydhabo

baydhabo
Shir looga doodayo Hindise sharciyeedka Mabaadi’da Jinsiga ayaa maanta Baydhabo uga furtay Haween ka kala socday Gobollada iyo Degmooyinka maamulka Koofur galbeed.Shirkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay wasaaradda Haweenka iyo Huquuqul insaanka Dawlada Federaalka Somaaliya iyo Tan maamulka Koonfur galbeed.

Furitaank shirka waxaa ka qeeybgalay  Wasiir ku xigeenka Wasaarada Haweenka Iyo Xaquuqul insaanka ee maamulka  K.G. Gudoomiyaha Gobolka Baay . wakiillo Ka socoday wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul insaanka KG, Culmaa’udiin Waxgarad iyo Haween ka kala socoday dhamaan goballada iyo Degmooyinka uu ka arrimiyo Maamulka K.G.

Kulanka ayaa intiisa badan Lagu falanqeeyay Tacaddiyadaha loo geysto Caruurta iyo Hawenka oo ay ka mid yihiin Kufsiga kaweenka. iyo  arrimo kale oo quseeyey Caruurta iyo haweenka.

Gudoomiyaha gobolka Baay Mudane C/rashiid C/laahi Maxamed Ayaa Labada Wasaaradood ee iska kaashadey  Qabashada Kulanka uga mahad celiyey  Sida ay u difaacayaan xaquuqda Haweenka Iyo Caruurta  Soomaaliyeed.

“Wasaaraddaha Soo qaban qaabiyey Kulankan aad ayaan uga mahadcelinayaa . maanta waxaa aad ka doodaysaan wax u baahan in laga doodo Marka ku dadaala in kulankan ay ka soo baxaan Wax mera dhal leh” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Baay

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo xaquuqul insaanka maamulka KG,  Binti Ibraahim Cali ayaa shegtay  Ku dhiira galisay haweenkii ka qeebgalay  Shirka in ay si aad ah uga doodaan  Xaquuqaha ay ku dhax leeyihiin Bulshada inteeda kale.

“Waa in aad ka dooddaan Xaquuqda aad dadka ku dhax leedihiin oo ad Xaqiina Dhacasataan  Waa in aad si fican aad uga doodaan Tacaddiga haweenka loo geysto iyo waliba Caruurta” ayeey tiri wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka ee maamulka Koofur galbeed.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300