Published On: Sat, Jun 4th, 2016

Hoobiyeyaal Muqdisho lagu weeraray iyo Howl-wadeen baarlamaankala shaqeynayay oo Caawa Muqdisho lagu diley.

hoobiye-865
Waxaa Caawa lagu diley magaalada Muqdisho nin ka mid ahaa Howl-wadeenada ka tirsan shaqaalaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo muhiim ah.Wararka ayaa sheegaya in falkan dilka ah uu ka dhacay degmada Wadajir.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Salaad Maxamed Sabriye ayaa ka tirsanaa howl-wadeennada ka howlgala xarunta Golaha Shacabkam wuxuuna ahaa nin da’ ah. Dilkiisa waxaa ka danbeeyay koox dabley oo rasaas ku furtay kadib markii uu kasoo baxay masjid uu ku tukaday salaadii Maqrib.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida howl-wadeenka. oghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya magaca Guddoonka Golaha Shacabka, iyo  Xildhibaannada Baarlamaanka wuxuu tacsi u diray ehellada, carruurta iyo qoyska uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Salaad Maxamed Sabriye.

Falkan ayaa ka mida khaarijin lagu beegsado madaxda iyo shaqaalaha dowladda oo intooda badan ay sheegato kooxda Alshabaab.

DHinaca kale, Hoobiyeyaal Dhowr ah ayaa goor dhoweyd ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir, Gobolka Banaadir, sida ay sheegayaan warar hadda ina soo gaarey.

Hoobiyeyaashan oo aan la sheegin halka laga soo ridey iyo cida soo ridey ayay dad Goobjoogeyaal ahi sheegeen in Degmada ay ku soo dheceen ilaa Saddex Madfac, kuwaas oo Cabsi iyo Qal-qal intaba ku abuuray Dadka Degmada ku nool.

Hoobiyaasha ayaa la sheegay in ay ku dheceen Xaafadaha u dhaw dhaw Xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane.

Hayeeshee weli lama oga Khasaaraha ka dhashay Madaafiicda iyo halka laga soo tuuray midna.

 

Wixii ku soo kordha waan idin soo gudbineynaa.

Xafiis wareedka Markacadeey.com

Muqdisho- Soomaaliya

E-mail: madkacadeeymedia@gmail.com

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300