Published On: Sat, Jun 4th, 2016

Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsi U Diray Howl Wadeen Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Muqdisho Lagu Dilay

Muqdisho
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida howl wadeen ka tirsan shaqaallaha xarunta Golaha Shacabka oo fiidnimadii caawa ay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho.“ugu horeyn aniga oo ku hadlaya magaceyga Guddoonka Golaha Shacabka, magaceyga iyo magaca Xildhibaannada Baarlamaanka doonayaa inaan tacsi u diro ehellada,carruurta iyo qoyska uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Salaad Maxamed Sabriye oo ka tirsanaa howl wadeennada ka howlgala xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaan Alle uga baryeynaa in naxariistiisa jano uu siiyo gacan ka gardaran ayaa dishay maruuxka” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Ugu dambeyntii waxa uu tacsi gaar ah u diray howl wadeennada Golaha Shacabka oo marxuum Salaad Maxamed Sabriye ka tirsanaa waxaana uu Alle uga baryey in samir iyo iimaan uu ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300