Published On: Fri, Jun 3rd, 2016

Deg Deg: Madaxweynaha Turkiga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Muqdisho

SONNA-NEWS
Diyaarad sidday wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayyib Erdogan ayaa goor dhaweyd soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garoonka Aadan Cadde si diirran ugu soo dhaweeynaya wafdiga uu horkacayo madaxweyne Erdogan.

Hadda waxaa socota soo dhaweeyn hab maamuus leh oo loo sameeynayo madaxweynaha Turkiga iyo wafdiga  la socda, waxaana lagu wadaa in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga ay wadahadal ku yeeshaan Muqdisho,

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waana booqashadii Sadexaad ee madaxweynaha Turkigu ku yimaado Soomaaliya tan iyo sanadki 2011-ki.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300