Published On: Thu, Jun 2nd, 2016

Wasiirka Waxbarashada dalka oo Mareykanka lagu soo dhaweeyay+SAWIRRO

_MG_7317Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya Khadar Bashiir Cali oo socdaal shaqo ku mareysa dalka Mareykanka ayaa soo gaartay magaalada Minnieapolis gobolka Minnesota halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolkaasi,

Waxaana ujeedada wasiirka ee ay halkaasi u tagtay lagu sheegay isku xerka waxbarashada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkaasi ku nool iyo Soomaalida dalka gudihiisa ku nool si kor loogu qaado tayada waxbarashada Soomaaliya.

Khadar Basiir Cali Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa markii ay soo gaartay magaalada Minnieapolis ee dalka Mareykanka waxa ay faah faahin ka bixisay ujeedka socdaalkeeda oo ku qotoma wada hadallada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool iyo sidii loogu dhiirigalin lahaa ka qeyb qaadashada waxbarashada Soomaaliya si tayada waxbarasho ee dalka kor loogu qaado.

Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare Khadar Bashiir Cali ayaa inta ay ku sugan dalka Mareykanka, waxa ay kulamo la qaadan doontaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool, iyadoo sidoo kalana booqan doonta goobaha waxbarasho ee arday Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

 

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300